Friday, August 3, 2007

Quluub Ballansan Oo Qosol Isku Qaabilay Khasaarihii Dhaqaale Ee Ugu Ballaadhnaa Dushiisa





Hargeysa (Saxan)- Shalay gelinkii hore waxa tacsi u tagay xaruntii warshada furaashyada ee gubatay, masuuliyiin tiro badan oo mucaarid iyo muxaafidba leh, saacadihii horeba waxa goobta ku kulmay wajiyo isu oomanaa, oo ay salaantooda ka muuqatay in ay haatan isu uur-san yihiin.
Wasiirka Maaliyada Xuseen Cali Ducaale (Cawil), ayaa u soo dhaqaaqay dhinacii baabuurka uu ka degayay guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, waxaanay isku qaabileen bariido waji furan oo ay ka muuqato in ay haatan isaga soo dhawaadeen intii hore qadar daqiiqado ah oo danbena kaftan aan cidi ku wehelinin ayay isku kaliyaysteen.
Halkaa waxa ku sugnaa dad aan sidaa u badnayn oo isugu jira dadka masiibadu cuskatay ee ka shaqayn jiray warshada, mulkiilayaashii iyo dad rayid ah oo daris la ah.
Axmed Siilaanyo, oo ay ka muuqato sida uu uga xun yahay maqaadiirta cuskatay warshada furaashyada ayaa ku tiraabay tacsi uu gaadhsiiyay mulkiilayaasha iyo shaqaalaha, waxaanu yidhi “Aad baan uga xumahay maqaadiirtan, ILLAAHAY waxaan ka baryayaa cawil naqeeda wanaagsan in uu idin siiyo”.
Siilaanyo waxa uu intaa raaciyay dhaliil meel fog ka soo go’day oo aan markan u eekayn mid uu xukuumada ku durayo, haddana aan ka fogaan Karin “Wax lala yaabo weeye, dawlad 16 jirsatay oo aan lahayn baabuur dab demis ah, oo calaqal nus badbaadiya”.
Qadar daqiiqado ah dabadeed waxa goobta isku soo gaadhay madax ay markii danbe si aad ah uga dhex muuqdeen wasiirada firfircoon ee xukuumada qaarkood.
Siciid Sulub, oo markan u taagnaa difaaca xukuumadda iyo tacsida dadka ay masiibadu ku dhacday labadaba, ayaa isaguna magaca madaxweynaha iyo ka xukuumadaba dadkii halkaa joogay ku gudoonsiiiyay dhambaal tacsiyeed oo uu ku muujinayo sida ay ula wadaagayaan dhibaatadan.
Wasiirka warshadaha Maxamed Saleebaan Weyne oo daadihinaya Hay’adda UNDP, kana turjumayay laba mas’uul oo Hay’addaa ka socday ayaa isaguna goobtii ka sheegay in ay xukuumadu itaalkeeda samaysay walina ku talo jirto gargaarka ay ka gaysan karto mashaqadan.



No comments: