Friday, August 3, 2007

Gaariye “Ra’yiga Waan Kugu Diidi Karaa, Waxaanse Naftayda U Bixinayaa In Aan Fikraddaada Lagugu Cabudhinin”

Gaarriye
“Ra’yiga waan kugu diidi karaa, waxaanse naftayda u bixinayaa in aan fikraddaada lagugu cabudhinin” sidaa waxa yidhi
Abwaanka weyn ee Maxamed Xaashi Dhamac “Gaariye” oo aanu wax ka wayddiinay xadhiga Siyaasiyiinta Ururka Qaran.
Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” oo faahfaahin ka bixinaya aragtidiisa ku aaddan xuquuqda aasaasiga ah ee qofka ayaa sheegay in wixii kalaba warwareeg yeelan karaan laakiin xaggiisa ay lama taabtaan yihiin xoriyatul-qawlka iyo xaqa xorriyadda fikirku. Abwaanku waxa uu tilmaamay in cabudhinta fikirku ay waqtigan dunida gabaabsi ka tahay Somaaliland oo qaran cusub ahna aan looga fadhiyin inay caalamka daba marto.
Abwaan Gaarriye waxa uu ku celceliyay in abuurta dadku kala duwan tahay taasina ay keento faraqa afkaartooda, laakiin ay lama huraan tahay in qofku ku talo galo oo aanay keenin isku dhac wadada ka duwa.
Maxamed Xaashi dhamac oo si gaar ah uga hadlaya raga xidhan ee Madaxda ka ahaa Ururka Qaran ayaa sheegay in aanu isagu xisbiyada kala raacin oo uu dhexdhexaad ka yahay ,balse uu dhiirigaliyo korriinkooda, isaga oo sida uu sheegay ka rajo qaba inay maalin uun gaadhi doonaan halkii uu ku riyoon jiray, oo uu ku tilmaamay inay tahay maalinta uu qarankani ka mid noqdo qaramada dunida isaga oo leh dhaqanka lagu majeerto dawladaha liibaanay.
Abwaanku waxa uu intaa ku daray “kollaba anigu ma qabo in xadhiggu xal yahay, waliba ka xarriyatul-qawlka lagu cabudhinayo”. Abwaan Gaarriye gabagabadii hadalkiisa waxa uu xukumadda ka codsaday in siyaasiyiintan xorriyaddooda loo soo celiyo , khilaafkana lagu dhammeeyo wada hadal iyo dhaqankii heerka innagu soo simay.

No comments: