Saturday, August 4, 2007

Xudunta Muranka Sharci Ee Dalka.(Somaliland) (Taxane Q--2-aad)


Xudunta Muranka Sharci Ee Dalka (Somaliland)
2
. Nidaamka Madaxtooyada;
- Nidaamkan shacbigu waxa ay doortaan xubnaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha dalka.
- Madaxweynaha ayaa dhisa xukuumada, isaga ayaana u madax ah.
- Xubnaha wasiirada waxa xubin xubin u ansixiya golaha wakiillada (Baarlamaanka)
- Nidaamkani waxa uu isu bedelaa sadex qaab oo xaalado kaladuwani abuurmaan, kuwaas oo ay bedbedesho doorashada Baarlamaanku oo kala ah:-
I) Xaalad ay madaxweynaha iyo aqlabiyada buuxda ee Baarlamaanku ay isku xisbi yihiin.
Xaaladan, Baarlamaanku waxa uu siiyaa Madaxweynaha jeeg banaan oo saxeexan oo wuxuu doono uu ku fuliyo. Iyada oo Baarlamaaku muran la’aan ku ansixiyo wixii uu hor keeno madaxweynuhu.
II) Xaaladan xisbiga Madaxweynaha ayaa guul-daraysta oo mucaaridka ayaa ku guulaysta aqlabiyad buuxda doorashada Baarlamaanka. Waxa tallada hogaaminta dalku ka dhaxaysaa laba dhinac oo kala siyaasad duwan. Balse, awooda sare ee go’aaminta tallada dalka ay gacanta ugu jirto dhinaca leh codka aqlabiyada buuxda ee Baarlamaanka.
Madaxweynaha albaabka ayaa dusha kaga qufulma, oo awooddiisii ayaa yaraata, ama is dhinta, waxa uu hoos-u-dhac ku yimaadaa awooddii fulineed ee xukuumada xilka haysa, oo bar-kaantarool ayaa hor degta.
III) Xaaladani waxa ay u dhaxaysaa labadaa xaaladood ee hore, waa mida ugu liidata ee ugu xun marxalad ay gasho hogaaminta dalku.
* Waa marxallad labada cududood ee muxaafidka iyo mucaaridka midna aanu ku guulaysanin aqlabiyada buuxda ee kuraasta Baarlamanka. Markaas oo dhinac saddexaad uu ka qayb qaato, oo kuraastii Baarlamaanku u qaybsanto saddex meelood oo kala siyaasado duwan.
* Waa marka aanay jirn saddexdaa meelood mooyaane cid kale oo la xulafaysto oo kuraas ku leh Baarlamaanka, sida xisbiyo yar yar iyo xildhibaano madax banaan.
* Markaana awooda kama danbaysta ah ee Baarlamaanka ee go’aaminta talada dalka ayaa, inta badan, aan ka muuqan garoonka ciyaarta. Dabadeetana, xaalku waxa uu ku nagi yahay is mari waa, “Anaa Amiir-baan ahay, adna Amiir baad tahaye yaa kaxaynaya dameerka”.
* Waa marxalad, inta badan, aan horu-socod lahayn.
* Waa marxalad ku caan ah yooyootan iyo muran sharci oo madhalays ah, oo ka dhex aloosma xukuumada iyo mucaaradka fadhiya Baarlamaanka.
* Waa marxalad, asal ahaanteeda, ku lidi ah horumarka ay ummaddi samayso.
Marxaladan waxa tusaale u noqon kara xaaladda siyaasadeed ee hadda ka jirta Somaliland.
- Nidaamkan, haddii Baarlamaanku laba aqal ka kooban yahay, labadaba waxa lagu soo doortaa doorasho toos ah.
- Nidaamkan, xukuumadda looma qaado cod kalsooni ah, Baarlamaanka dhexdiisa.
- Madaxweynaha, ahna madaxa fulinta, waxa xilka laga qaadi karaa marka uu galo danbi oo kaliya, haddii kale wuu dhamaystaa muddadii xilka loo doortay.
- Nidaamkan, wasiiraddu waa kalkaaliyayaasha madaxweynaha, isla markaana kama mid aha golaha Baarlamaanka.
3- NIDAAMKA ISKU JIRKA BAARLAMAANIGA IYO MADAXTOOYADA.
- Nidaamkan, shacbigu waxa ay doortaan Baarlamaanka iyo madaxweynaha dalka.
- Awooda hogaaminta siyaasadda guud ee dalka waxa leh madaxweynaha.
- Xukuumadda siyaasadaa fulinaysana waxa u madax ah Raysalwasaare Madaxweynuhu soo magacaabo.
- Raysalwasaaraha waxa laga soo magacaabaa dhinaca leh aqlabiyada buuxda ee xubnaha Baarlamaanka.
- Daruuri maaha in uu Raysalwasaaruhu xubin ka noqdo Baarlamaanka.
- Madaxweynaha iyo Raysalwasaaruhu marna isku xisbi ayay noqdaan marna waxay kala noqdaan labadii xisbi ee hormoodka ka kala ahaa dhinacyadii loolanka adagi ku dhex maray doorashadii oo wada shaqaynaya.
- Madaxweynaha ayaa madax ka ah waaxda fulinta, Raysalwasaaruhuna waxa uu u xilsaaran yahay fulinta barnaamijka xukuumadda iyo socodsiinta hawl-maalmeedka dawladda.
- Madaxweynaha waxa xilka laga qaadi karaa kaliya, marka uu danbi galo, haddii kale, wuu dhamaystaa muddadii xilka loo doortay.
- Ra’iisal wasaaruhu haddii uu lumiyo kalsoonida aqlabiyadda buuxda ee xubnaha Baarlamaanka waxa laga qaadayaa xilka Raysalwasaare-nimo, oo qof kale ayaa lagu bedelaa.
- Sida nidaamka Madaxtooyada marka uu Baarlamaanku ka kooban yahay laba aqal (Aqalka Sare iyo Aqalka hoose), waxa labada aqalba lagu soo doortaa doorasho toos ah, oo dadweynuhu soo doortaan.
Lasoxo…………….

Cabdiraxmaan Tuur Mikirifoonkuu Ka Dhuftay, Ibraahin Maygaagna Hadalkuu U Diiday,




Cabdiraxmaan Tuur Mikirifoonkuu Ka Dhuftay, Ibraahin Maygaagna Hadalkuu U Diiday,
Cumar Cartena Candhuuf Buu Ku Tufay
“Sidii Uu Kuwaa Hore Ka Yeelay Ayuu Shalayna Kabaha La Dulmaray Golaha Wakiillada”
Hargeysa (Saxan)- Xog hayaha guud ee golaha guurtida Cabdillaahi Ibraahin Habane ayaa shalay gelinkii hore qoraal dheer oo uu muddo diyaarinayay si far-shaxan iyo tiiqtiiqsi leh uga dhex akhriyay fadhigii golahaas. Qoraalkaas oo uu ku sheegay in uu yahay go’aan ay gaadheen guddi dhawaan uu golahaasi u saaray xal u helida khilaafka golayaasha dalka qaarkood.
Cabdillaahi dheere waxa uu qoraalkiisaa ku sheegay in ay madaxweynahana isla qaateen laba qodob oo ay u arkeen in ay qaranka muhiim u yihiin kuwaas oo uu ku tilmaamay miisaaniyada qaranka oo lagu sidkay qodobka loo dan leeyahay oo ah labada xubnood ee la sheegay in ay ka dhiman yihiin komishanka cusub ee aan wali hawl gelin.
Cabdillaahi Dheere markii uu shalay go’aanka akhriyayay waxa uu lahaa muuqaal iyo midabo uu hore u soo yeeshay, waxa uu si ku talax tag ah u muujinayay in uu yahay shakhsiga qoray erayada uu ku dhawaaqayo oo aanu mar qudha ku marganin, isla markaana waxa ka muuqatay shucuur uu ku laxaadsanayo rag uu qirihiisa is lahaa ku joog joogso oo ah guddoonka golaha wakiillada.
Go’aanka shalay golaha laga dhex akhriyay ee lagu meel mariyay aqlabiyada, lama beensan karo in xubno golaha kamid ahi ay wax kala socdeen jariimada uu xanbaarsan yahay ee ah xukun maroorsi iyo ku tumashada qawaaniinta qaranka. Sida muuqata waxa loogu talo galay oo kaliya in kabaha lala dul maro guddoonka golaha wakiillada si toos ah, si dadbanna loola wareego xilka golahaasi leeyahay iyada oo dabcan, markhaati looga helayo qaar isla golahaa ka mid ah. Hase yeeshee, markii la dhagaystay, waxa soo baxday in shalay loo dhameeyey labada goleba, ka go’aanka gaadhay iyo ka lagu socdayba, magaca golaha guurtidu waxa uu xanbaarsan yahay waayeelnimo, samo-talisnimo, dulqaad, dhaqan aqoon iyo iimaan, go’aankani se, wuxuu sitay fudayd, budh-la-duulnimo iyo qarjajac qof iyo koox lagu raali gelinayo. Dadka siyaasada indho indheeya ayaa shaki ka galay, in ujeedada go’aankani ku koobnayd inta afka laga sheegayo, maalmaha soo socdana waxa iman doonta in jawiga siyaasadu sida uu maanta yahay ka sii fogaado.
Golaha guurtidu (Cabdillaahi Dheere) waxa ay go’aankooda ku muujiyeen in ay ka go’antahay in aanay dalkan tooda mooyee tu kale ka soconin. Waxa ay sheegeen in ay gacan taag ku ogolaadeen in aan golahaasi labada nin ee la yidhi komishanka way ka dhiman yihiin dib u soo magacaabi doonin, kama ay hadlin go’aankana laguma soo qaadin shanta xubnood ee hore loo ansixiyay ee muddada labada bilood iyo dheeraadka ah sugaya dhaarta. Go’aankan laguma xusin qodobo sharci ah iyo kuwo dhaqan oo jidaynaya in ay guurtidu ka tagto dulqaadka, tanaasul, isu sii daynta iyo wax isu ogolaanshaha, waxayse si carigsi leh u tilmaameen in aanay jirin qodobo u diidaya, waxa iswaydiin mudan, haddii ay iyagu ahaayeen golihii nabada iyo sharci dejinta labadaba, golahan ay ku tiiqtiiqsanayaana yahay mataankoodii xilkaa la wadaagayay. Wa’ayo cidda ay ka sugayeen sharciyada qabyada ah ee labadooda kala saari waayay.
Inta badan xildhibaanada golaha guurtidu fursad uma helaan in ay wax ka ogaadaan qorshaha hore ee go’aanada ay maka danbe ansixin doonaan, sida caadada ahaydna qoraaladaa 8o % inta badan waxa soo diyaarinayay ninka dhalinyarada ah ee aan ka dhicin xilka xoghayaha guud ee Golahaas ee leh khibradii uu ka soo helay xisbigii hanti wadaaga kacaanka Soomaaliyeed. Cabdillaahi Ibraahin Habane (Cabdillaahi Dheere)
Maaha markii ugu horaysay ee uu Cabdillaahi Dheere sidaa u galo madax qarankan magac iyo miisaan ku leh oo ka mid ah afraada shacbigani ku indho kuusho.
Fadhigii golaha guurtida ee shalay Cabdillaahi Dheere waxa uu lahaa muuqaalkii 1993-kii, uu ku joogay madashii Boorame, markii uu mikirifoonka ka dhuftay guddoomiyihii ururka dhaqdhaqaaqa wadaniga Soomaaliyeed ee SNM iyo Madaxweynihii Jamhuuriyada Somaliland ee u horeeyey Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) oo guurtida hadlaya.
Markii uu candhuufta ku tufay Cumar Carte Qaalib isla madasha dhexdeeda, markii uu hadalka u diiday ee loo baryay Ibraahin Maygaag Samatar.
Aakhirkiina Cabdiraxmaan Axmed Cali waxa uu ku god galay daaduunkii uu kaga anba baxay madasha Boorame, Cumar Cartane waxa uu saqaafihii ku tegay Sucuudi Arabiya, halka uu Ibraahin Maygaag Samatar Soomaaliba ka haajiray ee uu ka soo jeestay Bariga fog (Japan). Maantana waxa uu kabaha la dul maray 82 xildhibaan oo la soo doortay, iyada oo ay xabsiga ku sugan yihiin Maxamed Xaashi Cilmi, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo Jamaal Caydiid.
Dhamaan talaabooyinkaa uu sameeyey Cabdilaahi Ibraahin Habane (Cabdillaahi Dheere) waxa u suurto geliyay Niyad samida shacbiga Somalioand iyo kuwii dhagoodi dhawaaqa Cabdillaahi Dheere doraato jeclaa oo maantana dhaqayadeedii maalaya.

Go’doominta Somaliland iyoXujada Gobolka Sool-ba Waxa ay ku Xidhiidhsan Yihiin Danaha Shirkada Conoco-Maraykan (Taxane-9aad)

Labadii dharaarood ee Rai’iisal Wasaaruhu balanka noogu qaaday run bay ahay.Xiisadii way daadegeysaa. Isaaqiina wuu soo noqonayaa, Dawladuna waxay isku deyaysay inay qaabisho. Warbixin ayaanu ka soo diyaarin doonaa Burco, Berbera iyo Laas-Caanood oo ay ka mid tahay (Goobta Qodista Ceelka Saliida) ee Conoco.
Waxa aanu is raacnay shaqaale ka socda USAID iyo Safaarada. Waxa aanu ku faraxsanahay in aakhirataankii Ra’iisal Wasaaruhu (Samater) naga qaaday iyo amaradii digniinaha nabadgelyada ee Aqalka Arimaha Debeda Marakanka.
Isaaqii hubaal ahaan iyagoo tirooyin badan ah ayay ku soo noqonayaan Burco iyo Berbera, xataa waxa kale oo naloo sheegay inay tirooyin ka sii badani jiraan Tuulooyinka ku baahsan miyiga. Qaar ka mid ah waanu la kulanay oonu la hadalay. Dawlada Somaliya iyo ciidamadeeduba waxay u iska dhigayeen qaar addegyada u fududaynaya Isaaqa baro kacay ee soo noqonaya.
Sidii uu Samatar (Ra’iisalWasaaraha) Muqdisho noogu sheegay maanaan arag wax calaamad ah, ma-naanaan maqal warbixino muujinaya wax dhibaato ah ama tacadiya. Hase ahaato’e maanu arag wax adeeg iyo taakulin ah oo diyaar u ah Isaaqa soo noqonaya. Warmurtiyeedkii samatar ku sheegayay in Raashin, Dawooyin iyo qalabka biyaha qaada loo diray Burco noo may muuqanin.
Berbera waxa aanu uga kacnay wadada tagta Burco markii aanu kala baydhnay wafti uu hor-kacayay Wasiir Daakhiliga oo u kacay dhinac Boorame iyaga oo sii marayay Hargaysa. Tabaabusha caynkan ahi wuxuu ahaa mid lagaga badbadinayo dhinaca nabadgelyada taala, War aan la xaqiijin ayaanu maqalay in isla aroortaasi waftiga Wasiir Daakhiliga dhexda lagu weeraray.
Guud-ahaan xaalada nabadgelyeed aad bay uga dabacsanayd socdaalkaygii hore ee December. Dad badan ayaa noo sheegay in dagaalku aad u qaboobay, inkasta oo dhakhtarka hay’ada Laanqayrta Cas ee Berberi uu dhaawac buuxiyay, waxay u badnaayeen dhaawacyo lugaha iyo gacmaha kaga dhacay, halkaasina waxay kuuu cadaynaysaa in Miinooyin qarxaa waxyeeleeyeen.



Xaalada nabadgelyeed ee Magaalada Burco weli kumay soo noqon Dawladii rayidka ahayd. Sidii horeba aanu Samatar isugu ogayn ayaanu Gudoomiyihii iyo Taliyihii ciidanka Milatariga Magaalada ugu adkaynay in ay dhamays tiraan balanqaadyadii Ra’iisal Wasaaraha (Samatar), Ciidamadu Burco aad ayay u joogeen oo ay uga muuqdaan.
Gudoomiyaha Burco wuxuu noo sheegay: Dabaysha nabadu adduunyada meelo badan ayay ka bafanaysaa. Waxa aanu isla ogolaanay in dabayshaaso ay dhawaan halkana (Gobolada Woqooyi) ay tahay in ay ka bafato. Waxa kale oo aanu isla qaadanay in xalka nabadu uu ku jiro Isaaqa oo lagu qanciyo inay manifestadu dawladu run ka tahay, isla markaana ay ku caawindoonto sidii ay nolol caadiya ugu soo noqon lahaayeen.
Dhinaca kale, Conoco waxay ku kharashgaraysay $16 Malyuun USD qodista Ceelka u dhaw Laas-Caanood, welise ma hayaan wax saliid ah, inkasta oo ay qodeen ilaa 9800Ft Sagaal Kun iyo Sideed Boqol oo Fuudh. Laakiin rajo wayn ayay qabaan.
Conoco hawlaha qodista aad ayay ugu dhiirantahay inay halkaa ka sii wado. Qaybaha dambe ee warbixinta ayaynu ogaan doonaa shaqojoojinta Conoco ee Laas-caanood, Wakhtigaasi oo ku aadanaa April1990-ka.
Warbixinada taxanaha ah ee Safaarada Maraykanku ka diyaariso arimaha nabadgelyada, dagaalada u dhexeeya SNM-ta iyo Dawlada Kelidii taliyihii ina Barre ayaa safiirka socdaalkiisu uu ka mid ahaa dadaalada xiligaasi uu maraykanku ku dejinayay Somaliya iyada oon kala qaybsamin.Warbixinadiisan waxa ka mid ahaa sida Dagaaladu u saameeyeen xaalada dad-ka Isaaqa ah iyo heerarka kala duwan ee siyaasadeed ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan dhinaca Dawlada Sare. Talaabooyin wax ku ool ah oo Maraykanku soo jeediyay ayaa nuxurkeedu ahaa in Safiirku uu talaabo talaabo ula socdo sida uu Siyaad Barre iyo Dawladiisu u dhaqan gelinayso.
Warbixintii 10-aad ee aan sanadkan(1990)ka ee isbedelada Somalia oo daba socota kuwii ka horeeyay.
Dawlada Somalia waxay dib ugu noqotay Gobolada Woqooyi. Bishii 3-aad dagaal ay dawladu ku qaaday meelo ka mid ah Woqooyi ayay ku qabsatay Magaalada xeebta ku taala ee la yidhaa Saylac iyo xuduuda Djabouti ayaa waxay u muuqataa in ay kala kaxaysantay kadib markii ay SNM-tu ku soo qaaday dagaal rogaal celin ah. Weli ma cida cida gacanta ku haysa Saylac uyo Lawyacado.
Warar nagu soo gaadhay Mogadisho ayaa Sheegaya in qaar ka mid ah ciidamada Dawladu ay gabood bideen Djibouti.Milishiyada Gadabuursiga taageersan Dawlada Somaliya ayaa iyagana la sheegay in la dhaxalsiiyay khasaare lagu qiyaasay ilaa dhawr boqol oo dhaawac ah. Gadabuursigii joogay Djibouti iyo kii Muqdishaba way barooranayeen.
Madaxwayne Siyaad ayaa la sheegay inuu casuumad u fidiyay odayaal Isaaq ah oo qaar ka mid ah inamadoodii xidhan yihiin. Casuumadaasi oo ahayd Afur Ramadaan iyo cawaska oo ay wada hadal yeeshaan. Inkasta oo kulkankaasi uu ahaa mid cadaawad leh, hadan waxa la sheegay Odayadu inay ku biiriyeen talooyin loo baahan yahay in la qaado talaabooyinkii gaadhsiinayay Nabada.. Kuxigeenka Ra’iisal Wasaaraha Axmed Maxamed Faarax oo ah nin Isaaq ah ayaa u xilsaaran in uu isku soo duberido Warbixinta Talooyinka ay soo jeediyeen Odayadu. Waxa kale oo arintani ku xidhiidhsanaa warar ku saabsan horaantii Bishan Afraad in la xidhay 11wiil oo ka mid ah wiilasha 12-ka ugu mudan tujaarta Isaaqa ka degen Muqdisho, laakiin imika la sii daayay. La Soco.......................

SNM Jidkeebay U Martay Xaqiijinta Himiladeedii (Taxane Q..57-aad)


Taxanaha Geeska
Dabadeedna, xeel ahaan, Maxamed Cali iyo Sheekh Bilisana way isyaqaaneen, dabadeed Maxamed Cali waxaanu ku soo xidhnay Sheekh Bilise isaga oo ciidamada sheekh Bilise, ay xidhiidh la lahaayeen kooxdii C Galbeed Axmed Guray, oo la odhan jiray afraad, ragna ay halkan u joogeen, ayaa waxaa dhacay in ay dagaal kulul oo ay iskaga hor yimaadeen ciidamadii Soomaali galbeed iyo kuwii kooxdii C Galbeed Axmed Guray ee afraad la odhan jiray, waxaanay ku dagaalameen Gebilay dusheeda, dabadeedna waa la kala baxay.
Iyagu waxay noqdeen gooni, qoladii kalena meel gooni ah ayay degtay.
Arrintaana waxa markaa indhaha ku hayay oo wakiil khaas ah ka ahaa Maxamed Kaahin, oo xiligaas joogay sahanka ciidamada, oo aad iminkana wax ka waydiin kartaan. Laakiin, Maxamed Cali, Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle), Maxamed Cilmi Samatar, iyo raggii kale ee ciidamada ahaa, wada shaqayn ayay lahaayeen.
Halkan lafteeda, waxa nagaga soo furmay, bal sidii ciidamadan gaarka u soo baxay aanu ciidan gaar ah oo SNM ah looga dhigi lahaa.
Waxaanu isla garanay, in ciidankaa gaar laga dhigo oo ay ka soo wareegaan ciidamadii Soomaali galbeed, ee ay ku wada jireen xoraynta Soomaali galbeed. Taas oo ku timi markii la ogaaday, annaguna aanu isla waafaqnay in dhinaca waqooyiga loogu talo galay in ciidamo Soomaali galbeed ah laga abuuro dadka waxoodana lagu dhaco.
Sidaa daraadeed, ciidamadaa waxaanu dejinay meesha la yidhaahdo Boodhley, oo gebilay dusheeda ah. Intaasi markii ay noo caddaatay, Maxamed Calina aanu ku nidhi ka soo noqo, Xamar baanu ku noqonay. Waxaanu is tusnay in aanay sidani suurta-gal ahayn, ee ay dhaanto iyada oo dibada loo baxo, sidii aan horeba u soo sheegnay in dagaalku noqdo mid aasaasi ah aragti ahaan. Mar haddii Siyaad Barre yidhi, qori caaradii baan ku qabsaday, in qori caaradii lagula dagaalamo. Waayo, wax kale oo suurto galayay may jirin sidaa mooyaane.
Waxaanu markaa Xamar kula kulanay anniga iyo Cabdi Ismaaciil Duse, Saleebaan Nuux iyo ALLA ha u naxariistee nin la odhan jiray Cabdi Shaybe, kulankayagaa kadib waxaanu isla garanay in aan laga fursanayn in la baxo.
Waxa naga soo anbabaxay Cabdi, saqdhexe ayaanu gaadhi ka soo saarnay Xamar, Burco ayuu yimi, ciidan ayuu ururiyay waana la qabtay , isku shuban ayuu muddo ku xidhnaa.
Nin isna la odhan jiray Dhuxul oo markaa Xamar joogay, kana mid ahaa Soomaali galbeed (C Galbeed Axmed Guray Afraad) ayaanu isna la kulanay, qorshahayaguna waxa uu ahaa in aanu tiro koob ku ogaano inta aanu ciidan ku dagaal geli karno.
Dhuxul waanu u yeedhnay, habeen ayaanu la fadhiisanay, waxa aanu ku nidhi waxaad noo keentaa ciidamada Boodhlay jooga iyo wixii kale ee raaci kara inta ay tiradoodu tahay, Cabdi Shaybe laftiisana sidaas oo kale ayaanu ku nidhi, sidaas ayaana lagu kala anbabaxay wakhtigaas.
Xarakadu waxay markaa maraysaa in ciidamadii Soomaali galbeed ay ka soo jabeen koox Isaaq ah, waxaanay samaysteen xarun u gaar ah, hubkoodiina meel gaar ah ayay dhigteen.
Waxa kale oo jirtay wakhtigaa in Siyaad Barre uu ku jiray abaabul uu ku beer laxawsanay Isaaq, si uu arrintaas u joojiyo.
Waxa xusid mudan in la qabtay shirweyne Soomaali galbeed ah, si jabhad buuxda loogu sameeyo. Annagu waanu ognahay in Maxamed Cali la soo xidhay, Soomaali galbeedna aanay noqonaynin mid Isaaq, Gadabuursi iyo Dhulbahante ku jiraan, laakiin ay tahay jabyhad Siyaad Barre mar danbe samaysanayo oo uu doonayo in uu Itoobiya ku weeraro, shirweynahaa Soomaali galbeed waxa lagu qabtay magaalada Afgooye, waxaana la yidhi halaga soo wada qayb galo. Waxaa ka soo qayb galay Isaaq iyo Ogaadeen iyo intii dhulkaa Soomaali Galbeed deganayd.
Annaga dhinacayaga waxa wakiill nooga ahaa oo nooga qayb galay nin la odhan jiray Suldaan Ismaaciil Wayne iyo Suldaan Cabdiraxmaan oo labadooduba Itoobiya degenaa.
Waxaanu damacnay markaa in aanu hoos galno oo haddana aanu mar labaad xubin ku yeelano guddigaa loo dhisayo Soomaali galbeed.
Shirkaa waxa lagu soo magacaabay xubnihii golaha dhexe ee Soomaali galbeed, xubnahaa waxaan ka xasuusnahay ninka la yidhaahdo Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe), oo annaga xagayaga golaha dhexe ka soo galay, waxa kale oo jiray nin kale oo aanan magaciisa xasuusnayn, ciidamadana ku jiri jiray, oo aan filayo in uu isna reer Ceerigaabo ahaa, ayaa isna halkaa lagaga soo daray.
La soco………………..