Saturday, August 4, 2007

SNM Jidkeebay U Martay Xaqiijinta Himiladeedii (Taxane Q..57-aad)


Taxanaha Geeska
Dabadeedna, xeel ahaan, Maxamed Cali iyo Sheekh Bilisana way isyaqaaneen, dabadeed Maxamed Cali waxaanu ku soo xidhnay Sheekh Bilise isaga oo ciidamada sheekh Bilise, ay xidhiidh la lahaayeen kooxdii C Galbeed Axmed Guray, oo la odhan jiray afraad, ragna ay halkan u joogeen, ayaa waxaa dhacay in ay dagaal kulul oo ay iskaga hor yimaadeen ciidamadii Soomaali galbeed iyo kuwii kooxdii C Galbeed Axmed Guray ee afraad la odhan jiray, waxaanay ku dagaalameen Gebilay dusheeda, dabadeedna waa la kala baxay.
Iyagu waxay noqdeen gooni, qoladii kalena meel gooni ah ayay degtay.
Arrintaana waxa markaa indhaha ku hayay oo wakiil khaas ah ka ahaa Maxamed Kaahin, oo xiligaas joogay sahanka ciidamada, oo aad iminkana wax ka waydiin kartaan. Laakiin, Maxamed Cali, Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle), Maxamed Cilmi Samatar, iyo raggii kale ee ciidamada ahaa, wada shaqayn ayay lahaayeen.
Halkan lafteeda, waxa nagaga soo furmay, bal sidii ciidamadan gaarka u soo baxay aanu ciidan gaar ah oo SNM ah looga dhigi lahaa.
Waxaanu isla garanay, in ciidankaa gaar laga dhigo oo ay ka soo wareegaan ciidamadii Soomaali galbeed, ee ay ku wada jireen xoraynta Soomaali galbeed. Taas oo ku timi markii la ogaaday, annaguna aanu isla waafaqnay in dhinaca waqooyiga loogu talo galay in ciidamo Soomaali galbeed ah laga abuuro dadka waxoodana lagu dhaco.
Sidaa daraadeed, ciidamadaa waxaanu dejinay meesha la yidhaahdo Boodhley, oo gebilay dusheeda ah. Intaasi markii ay noo caddaatay, Maxamed Calina aanu ku nidhi ka soo noqo, Xamar baanu ku noqonay. Waxaanu is tusnay in aanay sidani suurta-gal ahayn, ee ay dhaanto iyada oo dibada loo baxo, sidii aan horeba u soo sheegnay in dagaalku noqdo mid aasaasi ah aragti ahaan. Mar haddii Siyaad Barre yidhi, qori caaradii baan ku qabsaday, in qori caaradii lagula dagaalamo. Waayo, wax kale oo suurto galayay may jirin sidaa mooyaane.
Waxaanu markaa Xamar kula kulanay anniga iyo Cabdi Ismaaciil Duse, Saleebaan Nuux iyo ALLA ha u naxariistee nin la odhan jiray Cabdi Shaybe, kulankayagaa kadib waxaanu isla garanay in aan laga fursanayn in la baxo.
Waxa naga soo anbabaxay Cabdi, saqdhexe ayaanu gaadhi ka soo saarnay Xamar, Burco ayuu yimi, ciidan ayuu ururiyay waana la qabtay , isku shuban ayuu muddo ku xidhnaa.
Nin isna la odhan jiray Dhuxul oo markaa Xamar joogay, kana mid ahaa Soomaali galbeed (C Galbeed Axmed Guray Afraad) ayaanu isna la kulanay, qorshahayaguna waxa uu ahaa in aanu tiro koob ku ogaano inta aanu ciidan ku dagaal geli karno.
Dhuxul waanu u yeedhnay, habeen ayaanu la fadhiisanay, waxa aanu ku nidhi waxaad noo keentaa ciidamada Boodhlay jooga iyo wixii kale ee raaci kara inta ay tiradoodu tahay, Cabdi Shaybe laftiisana sidaas oo kale ayaanu ku nidhi, sidaas ayaana lagu kala anbabaxay wakhtigaas.
Xarakadu waxay markaa maraysaa in ciidamadii Soomaali galbeed ay ka soo jabeen koox Isaaq ah, waxaanay samaysteen xarun u gaar ah, hubkoodiina meel gaar ah ayay dhigteen.
Waxa kale oo jirtay wakhtigaa in Siyaad Barre uu ku jiray abaabul uu ku beer laxawsanay Isaaq, si uu arrintaas u joojiyo.
Waxa xusid mudan in la qabtay shirweyne Soomaali galbeed ah, si jabhad buuxda loogu sameeyo. Annagu waanu ognahay in Maxamed Cali la soo xidhay, Soomaali galbeedna aanay noqonaynin mid Isaaq, Gadabuursi iyo Dhulbahante ku jiraan, laakiin ay tahay jabyhad Siyaad Barre mar danbe samaysanayo oo uu doonayo in uu Itoobiya ku weeraro, shirweynahaa Soomaali galbeed waxa lagu qabtay magaalada Afgooye, waxaana la yidhi halaga soo wada qayb galo. Waxaa ka soo qayb galay Isaaq iyo Ogaadeen iyo intii dhulkaa Soomaali Galbeed deganayd.
Annaga dhinacayaga waxa wakiill nooga ahaa oo nooga qayb galay nin la odhan jiray Suldaan Ismaaciil Wayne iyo Suldaan Cabdiraxmaan oo labadooduba Itoobiya degenaa.
Waxaanu damacnay markaa in aanu hoos galno oo haddana aanu mar labaad xubin ku yeelano guddigaa loo dhisayo Soomaali galbeed.
Shirkaa waxa lagu soo magacaabay xubnihii golaha dhexe ee Soomaali galbeed, xubnahaa waxaan ka xasuusnahay ninka la yidhaahdo Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe), oo annaga xagayaga golaha dhexe ka soo galay, waxa kale oo jiray nin kale oo aanan magaciisa xasuusnayn, ciidamadana ku jiri jiray, oo aan filayo in uu isna reer Ceerigaabo ahaa, ayaa isna halkaa lagaga soo daray.
La soco………………..

No comments: